(Washington, DC) 01 Feb 2019 – Wakiilka Dimoqraadiga ah ee Ilhaan Cumar ayaa ku baaqday in 90% la kordhiyo canshuurta dakhliga la xiriirta si lacag badan looga qaado milyaneerrada Maraykanka.
Mar ay u warramaysay Yahoo News, ayay Cumar ayaa ku doodday in maadaama ay mar ahaan jirtey 90% markale la kordhiyo canshuurtaasi, si looga dhabeeyo middii ay soo hindistey gabadha kale ee iyaduna cusub ee Alexandria Ocasio-Cortez ee ka socota New York oo soo jeedisey 70%.
‘Waxaa jira waxyaabo yar yar oo aannu qaban karno. Midkood waa inaan si wayn u kordhinnaa canshuurta ay bixiyaan dadka lacagaha badan haysta ee hodanka ah, marka 70, 80 waa la kordhin karaa.” ayay tiri Ilhaan.
”Dadka 1% ah waa inay qaybtooda si cadaalad uga soo dhalaalaan.” ayay tiri Ilhaan Cumar oo taa ula jeeda dadka haysta hantida ugu badan.
Yahoo laftiisa iyo hilinno kale oo warbaahineed oo reer Galbeed ah ayaa si ula kac ah u bedeley cinwaankii sheekada, iyagoo u qoraya in ay Ilhaan soo jeedisey in ilaa 90% la kordhiyo canshuurtaasi, taasoo dhalisay caro wayn oo ka timid dhanka shacabka.
Dad badan ayaana Yahoo News ku canaantay inuu kas u marin habaabiyay cinwaanka sheekada si sheekadu u dhanaanaato.
Arrintan ayay dad badani dhanka Maraykanka aalaaba dood ka keenaan, iyadoo qofkii keena dusha looga shaabadeeyo waxyaabo ay ka mid u janjeera dhanka ”Shuuciyadda iyo hanti wadaagga.”
Ilhaan Cumar oo sheegtay inay albaabada Maraykanka u furreeyso uunka kale..https://t.co/2EKj5ejs9n via @YahooNews
— Hadalsame Media (@HadalsameMedia) February 1, 2019
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa aalaaba u taagan canshuur kordhinta, balse maadaama ay dalkaasi awood ku leeyihiin sharikaadka waawayni koror xad dhaaf ihi marna ma dhoco, halka Xisbiga Jamhuuriguna ay aad u dhimaan canshuurta.
If the fed tax rate is increased to 90% Cali residents would literally have to pay to work in the highest marginal brackets now that the local & state tax deduction has been limited. 90% Fed+12.3% State=102.3%.NY citizens would pay 98.376%. https://t.co/981ZyUq6hZ via @YahooNews
— Kristi (@cpakbrad) February 1, 2019
Yes, someone remembers when taxes were at 90%. Nobody remembers how much money this raised (hint: not much) https://t.co/nlHUUghBpr via @YahooNews
— james helik (@jimhelik) February 1, 2019
… then bring back the days of 4 to 1 write-offs we used to enjoy on real estate and oil & gas deals !! She probably is clueless about those days. https://t.co/nLxz288z3S via @YahooNews
— Greg Karnes (@realGregKarnes) February 1, 2019
https://t.co/Qvj6YbdX0n via @YahooNews. Your lunatic taxing perspective doesn’t make anyone feel ‘positive’ about you, dingbat.
— Michael Harry Sr (@mah65) February 1, 2019
so you’re just gonna blatantly lie? why are your people writing headlines so bad at their job?
— I’m trying, Jennifer (@SansaStark2020) January 30, 2019
Yahoo literally tweeting #fakenews and keeping it up for hours.
— For Sanity’s Sake (@realericg) January 30, 2019
Hadalsame Media