(Abu Dhabi) 01 Feb 2019 – Laacib uu laacib dhalay, Akram Cafiif oo ah wiilka Cafiifkii u dheeli jirey xulka Somalia iyo kooxda Horseed ee isla dalka ayaa wacdarro la hubo ka dhigay Koobka Qaramada Aasiya.
Opta Joe, oo ah shirkad samaysa tira-koobka iyo falanaynta nooc walba oo ka mid ah ciyaaraha kubadda cagta caalamka ayaa Twitter-ka kusoo qortay sidatan:
”Akram Xasan Cafiif wuxuu gacan ka geystay 11 ka mid ah 19-ka gool oo ay Qatar ka dhaliyeen, 7-da kulan ee ay ciyaareen, tartanka koobka Aasiya 2019 (1 gool & 10 caawin), marka lagu daro dhammaan 3-da gool oo ay maanta Final-ka dhaliyeen (1 gool & 2 caawin). Gudbiye.”
Ugu dambayn, guushan taariikhiga ah (Qatar oo markeedii ugu horreysay ku guulaystay koobka Aasiya, waliba si ay u qalantey), waxay ku soo beegantay xilli muhim ah.
Sababtuna waxay tahay, iyagoo rajaynaya inay sidaa ku aamusin karaan nacab badan oo ka xumaa in Koobka Adduunka 2022-ka lagu qabto dalka Qatar, iyadoo sidoo kale isla koobkaas oo ay si wanaagsan ugu bira tumanayaan.
11 – Akram Hassan Afif has had a hand in 11 of Qatar’s 19 goals in their seven games at the 2019 Asian Cup (one goal, 10 assists), including all three of their goals in the final (one goal, two assists). Conductor. #AsianCupFinal #AsianCup2019 pic.twitter.com/5XJrGRDxLh
— OptaJoe (@OptaJoe) February 1, 2019
Kaaga darane, Qadar ayaa finalka Koobka Aasiya soo gaartey iyadoo aan wax gool ah shabaqeeda la tusin, waxaana dhici gaartey inay koobkaba qaadaan iyagoo uu shabaqoodu sooman yahay, balse waxaa ka jejebiyay xulka Japan.
Xasan Cafiif, Akram aabihii oo sanadkii hore uu Madaxtooyada Somalia ku qaabiley Madaxwaynaha Somalia. pic.twitter.com/XEdXUzGAXZ
— Hadalsame Media (@HadalsameMedia) February 1, 2019
9 – Qatar are the ninth different nation to win the AFC Asian Cup, with three of the last four editions seeing a new champion (Iraq in 2007, Australia in 2015 and Qatar in 2019). Victory. #AsianCupFinal #AsianCup2019 pic.twitter.com/tyDgpKrInr
— OptaJoe (@OptaJoe) February 1, 2019
Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore & Max’ed Xaaji
Hadalsame Media