Xog iyo Sawirro laga helay nin u dhashay Ingiriiska oo ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 31 Jan 2019 – Dowladda Ingiriiska ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay Soomaaliya uga dhaadhicin lahayd in la sii daayo muwaadin u dhashay dalkeeda oo ku xiran xabsi u yaala Magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa ogaaday warsidaha Hadalsame Media.

Muwaadinka u dashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Anthony Cox ayaa sidoo kale la sheegay inuu haysto dalashada wadanka Faransiiska waxaana la sheegay inuu la shqeynayay mid ka mid ah shirkadda dhinaca amniga ee shisheeye kuwaas oo ka howlgala xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Anthony Cox waa nin Odey ah oo leh tababar ciidan waxaana intii uu ku sugnaa Muqdisho la arkay isagoo ku hubeysan qalabka Millatariga sida ka muuqata Sawirradiisa waxaana faahfaahin uu soo dhigay boggiisa Linkedin uu ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa Anthony Cox ka qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cade waxaana lagu eedeeyay in mid ka mid ah shandadihiisa uu ku watay suntan dadka ka ilmeysiisa.

Waxaa uu doonayay inuu raaco diyaarada Itoobiyaan Airways, hase ahaatee waxaa Ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabeen markii ay kaga shakiyeen inuu sito waxyaabo qarxa, waxaana kadib Maxkamadda gobolka Banaadir ay waydiisatay in xabsiga lagu sii hayo.

Maalmo kahor waxaa Anthony Cox xabsiga dhexdiisa ku weeraray kooxo loo maleynayo inay mitidiin yihiin oo ku hubeysnaa Sakiimo waxaana soo gaaray dhaawac yar oo dhanka qoorta ah.

Wararka ayaa sheegaya in dowladdaha Soomaaliya iyo Ingiriiska ay ka wada hadlaan mustaqbalka Anthony Cox iyo sidii laga yeeli lahaa.

                                                                                                              Anthony Cox
                                                                                           Anthony Cox

Hadalsame Media