(Stockholm) 31 Jan 2019 – Hilibka lo’ jirran oo laga soo dhoofiyey dalka Poland ayaa la soo geliyey suuqyada Sweden, sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada Sweden ee Livsmedelsverket.
Hilibkan ayaa la sheegay in laga iibiyay ilaa 4 sharikadood oo hilibka ka ganacsada oo ku kala yaalla qaybo kala duwan oo Sweden ah.
”Waxaannu xugminaynaa in uu hilibkaasi caafimaadka u daran yahay, ayay tiri Louise Nyholm, oo ka tirsan qaybta faya-dhowrka ee Livsmedelsverket.
Sharikad Polish ah ayaa la sheegay inay soo iibsatey lo’ jirran kaddibna ay qaleen iyadoo aan la marsiinin baaritaankii caadiga ahaa, waxaana deeto lagu dhejiyay shaabad been ah oo sheegaysa in la baaray lana ansixiyay, waxaana deeto loo suuq geeyay dhowr dal – oo ay ku jirto Sweden, sida lagu qoray ATL.
Sida ay sheegtay Livsmedelsverket, waxay tani noqonaysaa xadgudub wayn oo ka dhan xeerarka u degsan cuntada, iyadoo ay khasab tahay in la baaro caafimaadka xoolaha ka hor inta aan la qalin, haddii ay jirran yihiinna laga saaro qaybta qalliinka u diyaarka ah, sida ay sheegtay Louise Nyholm, oo ka tirsan qaybta dabagalka ee Livsmedelsverket.
Hadalsame Media