Faahfaahin ku saabsan duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan

0

(Beledwayne) 31 Jan 2019 – Wararka la helayo deegaanka Luuq Jeeloow ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo aad u xooggan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay macleen jug culus waxyar uun kadib markii ay arkeen oo maqleen diyaarado joog hoose ku socday oo deegaankaasi kor marayay.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday tuulada Baacyar oo wax aad u yar u jirta Luuq Jeelow, waxaana saaka halkaasi ka soo baxaya faahfaahino kala duwan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta fuliyay hase ahaatee saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in khasaare badan la gaarsiiyay ururka Al-Shabaab kadib saldhig ay la haayeen oo la burburiyay.

Maxamed Axmed Food Cade oo ah duqa Magaalada Beledewayne ayaa sheegay in saldhiga la duqeeyay ay joogeen xubno ka tirsan Al-Shabaab halkaasna khasaare culus lagu gaarsiiyay, sida uu yiri.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaabka ku sugan Baacyar ay dadka deegaanka u diideen inay soo indha indheeyaan goobta wax ka dhaceen waxaana loo maleynayaa inay jiraan khasaare soo gaaray dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media