5 SABABOOD oo sax ka dhigaya hadalkii uu Museveni ka sheegay Soomaaliya

0
Uganda's President Yoweri Museveni addresses a news conference during his official visit to Ethiopia's capital Addis Ababa, December 26, 2014. REUTERS/Tiksa Negeri (ETHIOPIA - Tags: POLITICS) - RTR4JBOL

(Hadalsame) 31 Jan 2019 – Waxaan arkay Soomaali badan oo ka xajiimooday hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Uganda, Museveni, laakiin runtii aniga hadalkaas wuxuu iila muuqday mid dhiiri gelin ah oo ubaahan inaan cashir ka barano.

Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Maxamed Siyaad Barre kaddib, Soomaliya ma yeelan dowlad oo waxa ay aheed waddan uu burbur ku yimid dowladnimadiisa. Marka aan sidaas leeyahay waxaan ula jeedaa in Soomaliya ay dhumisay dhamaan sifaadkii looga baahnaa dal leh dowlad.

Wadanka markuu leeyahay dowlad waxaa laga rabaa inuu buuxiyo sifaadkaan hoos ku xusan:

  • Wadankaas waa inuu awood uleeyahay inuu difaaco madax banaanidiisa dhuleed
  • Waa inuu awood uleeyahay inuu cadawga ka difaaco xuduudihiisa
  • Waa inuu leeyahay ciidan qaran oo difaaci karo shacabkiisa,
  • Waa inuu yahay mid siin kara shacabkiisa adeegii ay ubaahnaayeen hadeey ahaan laheed caafimaad, waxbarasho iyo etc
  • Waa inuu yahay mid awood uleh ururinta canshuurta dalka oo idil

Intaas iyo in kabadan ayaa laga rabaa dowlad. Hadaba waxaa isweydiin mudan dowladda Soomaaliya ma leedahay sifaadkaas aan kor kusoo xusay.

Jawaabtu waa maya,sidaan ognahay soomaliya maleh ciidan qaran oo difaaci karo xuduudaha dalka, oo waxaan aragnaa in maalin walbo ay ciidamada dowladdaha dariska ah ay iska soo talaabaan xuduudaheena, waxaan aragnaa in ciidamada kenya ay shacab masaakiin ah duqaymo kulaayaan gobolka Gedo, mana jirto dowlad ka hadasha dhibaatada lagu hayo dadkaas,waxaan aragnaa in ciidamo shisheeya ay ilaaliyaan madaxdeena, waxaan aragnaa in meelihi ugu miihiimsanaa dalka uu shisheeya maamulo, waxaan aragnaa in mushaarka ciidankeenna ay dalal shisheeya bixiyaan.

Markaan xaqiiqda usoo noqono oo aan katagno caadifada iyo laablakaca beenta ah waxaa noo muuqdo in soomaliya aysan waxbo faraha kuheyn, in soomaliya ay tahay dal fashilmay oo ay fashiliyeen dadkiisa. marka maxaa nala gudboon hadaan soomali nahay, waxaa nala gudboon  inaan xaqiiqda wajahno, inaan garano in dowladnimadu tahay waxa kaliya ee aan kusoo ceshan karno sharafkeeni umadeed.

Qof walbo oo ay lixjeclo kahayso dalkiisa,rabana inuu arko soomaliya oo leh dowlad xoogan; waxaa laga rabaa inuu qayb kanoqdo dhismaha wadankiisa,waxaa laga rabaa inuu bixiyo canshuuraadkii looga baahnaa si dowladdu uhesho ila dhaqaale, waxaa laga rabaa inuu kamid noqdo ciidanka dalka,waxaa laga rabaa inuu abuuro fikir ganacsi oo dalka iyo dadkaba faa’iido uleh, waxaa laga rabaa inuu yahay qof naftiisa hormariyay, waxna bartay dadka kalana waxbaray, waxaa laga rabaa inuu dalkiisa daacad ugu shaqeeyo, musuq maasuqana kafogaado, waxaa laga rabaa inuu noqdo qof  si mas’uuliyad ay kudheehantahay udoorto hogaanki dalka lagu aamini lahaa.

Hadii dad badan sidaan u fakiraan ficilna kudaraan,waxaan yeelan doona wadan dhisan oo leh dowlad xoogan.

DALKAADA WAX KU BIIRI HADAAD JECESHAHAY.

W/Q. Abdikarim Abdullah
Email: waweyneyare@gmail.com

Hadalsame Media