”Yaan markale lagu deg degin tillaabo laga qaado dalalka na taakuleeya!” – Maxay Xil. Foowsiya ka tiri hadalkii Museveni?

0

(Muqdisho) 30 Jan 2019 – Waxaa beryahan doodi ka taagnayd hadal uu maalin dhowayd jeediyay Madaxwaynaha Uganda Yoweri K Museveni oo sheegay in Somalia ”aysan lahayn dowlad wada xukunta”.

Arrintan ayay dadku ku kala qaybsameen, balse waloow ay dadka qaarkood soo jeediyeen in baraarujin iyo isa sixid loo adeegsado, misna qaar baa dood ka keenay in haddii sida uu yiri uu dalal kale diblomaasiyad darteed uga xishooday maxaa taa u diidey Somalia?

Haatan, Foowsiya Yuusuf X Aadan oo horay u noqotay Wasiirad Dibadeedka Somalia, haatanna ah xildhibaanad ka tirsan Baarlamanka Dhexe ayaa ka digtey in lagu dhaqaaqo tillaabo deg deg ah oo wax xumayn karta.

Waxay iyadoo taxadar muujinaysa oo uu warkeedu af-Soomaali yahay ay boggeeda Twitter kusoo qortay sidatan: ”Waxaa nasiib darro ah in markale lagu degdego tallaabo laga Qaado hay’adaha ama dawladaha u heellan taakuladeenna iyo iaalinta nadgelyadeenna . Uganda waxay inoo daadisay dhiig badan ilaa haddaan way inna garab taagan tahay. Ma aha in canaanteeda colaad loo arko.”


Shalay ayay ahayd markii uu Wasiir Dibadeedka Somalia oo arrintan ka af celinayay uu sheegay in ”Musaveni yahay oday iska hadlay!” arrintaa lafteeda ayay dadka diblomaasiyadda u dhuun daloolaa ku micneeyeen ”middi middi ku taag” laga fursan karey iyo arrin aan wax badan usoo kordhinaynin Somalia waqti xaadirkan.

Hadalsame Media