(London) 30 Jan 2019 – Tebiyaha Premier Sports ayaa xuquuqda tebinta horyaalka Serie A ee dalka Britain iyo Ireland labada sano ee soo aaddan.
Arrintan ayaa timi kaddib markii ay Eleven Sports ay maanta oo Arboco ah ku dhawaaqday in ay sii iibinayso xuquuqda baahinta Serie A, kaddib markii ay cillado la kulantay maadaama ay qaab online ah u baahinaysay.
Webka rasmiga ah ee Premier Sports ayaa lagu xaqiijiyey in ay todobaadkii sii dayn doonaan ugu yaraan 6 kulan wareeggiiba ilaa dhamaadka fasalka 2020-21.
Waxaa intaa dheer, in tebintaasi ay isla todobaadkan bilaabmayso, waloow ay macaamiishu sidoo kale Serie A kasii daawan karaan Eleven Sports ilaa Febraayo 25.
Premier Sports ayaa xaqiijisay inay ciyaaraha kasii dayn doonaan Sky Sports iyo Virgin channels, iyo sidoo kale Premier Player oo dhanka internet-ka ah, halka kulamada qaar qaab bilaash ah looga dayn doona hilinka la wada leeyahay ee FreeSports.
Si xaaladda kala guurka ah loo sahlo, waxay macaamiisha Eleven Sports ay Premier Sports ku heli karaan qiime jaban oo ah £5.99 bishii ilaa Agoosto, dhanka khidmadda billaha ah.
Serie A ayaa fasalkan ka maqnaa TV-yada caadiga ah ee UK, kaddib markii ay xuquuqda ku guulaysteen Eleven Sports oo qaab online u baahinaysay, taasoo meesha ka saartay Sky iyo BT Sport oo tebin jirey, balse cillad uu kala kulmay dhanka tebinta oo dadka la qabsan waayeen internet-ka, hadda Sky ayaa dib looga daawan doonaa.
?? We are delighted to announce Italy’s @SerieA has a new home as Premier Sports secures the rights until 2021
Premier Sports will show a minimum of 6⃣ games per round starting this weekend via Sky, Virgin & the Premier Player! ?
Full press release ? https://t.co/xBTACZTpPo pic.twitter.com/HqXWnDuvIZ
— Premier Sports ? (@PremierSportsTV) January 30, 2019
Hadalsame Media