(Muqdisho) 30 Jan 2019 – Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa muujiya adkeysi iyo dib u soo kabasho deg deg ah mar walba oo la dhibaateeto islamarkaana qaraxyo ka dhacaan Caasimadda.
Shalay oo ugu dambeysay waxaa qarax gaari oo ka dhacay nawaaxiga ex-xaruntii hore ee Baarlamaanka ku dhintay labo ruux oo shacab ahaa waxaana ku dhaawacmay shan kale.
Qaraxaasi oo ka dhashay gaari la dhigay kaalin shidaal ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray goobo dad shacab ah lahaayeen waxaana sidoo kale uu dab qabsaday goobo kale oo ganacsi.
Isla maanta ayaa la arkayay goobtii qaraxii shalay ka dhacay oo aadba moodo meel aysan waayahaan wax ka dhicin waxaana isla shalayba la qaaday gaadiid badan oo ku burburay halkaasi.
Gaadiidka burburay waxaa la sheegay inay lahaayeen dad shacab ah waxaa sidoo kale isla markiiba bilowday olole nadaafadeed oo dad is-xilqaamay iyo shaqaale ka tirsan dowladda Hoose ay ka fuliyeen goobtii qaraxu ka dhacay.
Muuqaalo laga soo qaaday goobtii shalay qaraxu ka dhacay ayaa muujiyay wax ka bedelan wixii shalay , markaas oo saxaafadda gudaha qaar kood ay islamarkiiba soo gudbiyeen burbur iyo sawirro qaab darran.
Yeelkeede dadka Magaalada Muqdisho ayaa muujiyay adkeysi aan caadi ahayn waxayna iskala qabsadeen qaraxyada iyo dilalka ururada hubeysan sida Al-Shabaab ka gaystaan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Laakin dadka qaar ayaa aaminsan in wali shacabka Mudisho aysan ku baraarugin inay ka shaqeeyaan si mideysan amnigooda iyo bilicda Magaalada, kaliyana lagu soo baraarugo markii wax dhacaan.
Hadalsame Media