(Milano) 30 Jan 2019 – Waxaa xalay kulan-bilowgiisii AC Milan u saftay shiish-yahanka soo baxaya ee Krzysztof Piątek oo labada gool ee ay Milan kaga badisay Napoli isagu wada dhaliyey.
Laacibkan Krzysztof Piątek oo 23 kulan 21 gool ka dhaliyey Talyaaniga oo uu xagaagan uun yimid ayaa durba ka maajiyay bahda isboortiga guud ahaan, xitaa kuwa aan Milan taageerin.
Waxaannu haddaba idiin haynaa waxyaabihii ay saxaafadda iyo saaxiibaddiiba ka yiraahdeen saamaynta uu durba Il Pistolero ku yeeshay bay’ada ku cusub ee Milan.
Gattuso: ”Piatek waa qannaas ama shiishyahan”
”Waxaan dhashay anigoo diyaar ah, tanina waa uun bilow” – Piatek laftiisa oo u warramay Milan Channel.
RMC SPORT – Brini: “Milan oo Piatek heshay waxay leedahay hub dheeraad ah”
Leonardo: “Waan ka filayay ciyaar bilow sidan oo kale ah Piatek, waa laacib adag”
Romagnoli, ”Piatek wuxuu dheeley ciyaar aan caadi ahayn”
Laxalt MTV: “Piatek ciyaarta kahor ayuu naga codsaday inuu jecel yahay kubadaha dhaadheer…
MN – Koulibaly: “Waxaan u mahad celinayaa Milan iyo taageerayaasheeda, si wanaagsan ayay iila dhaqmeen. Piatek, waa laacib adag, lama yaabbani”
La Stampa: “Saxiixa goolasha Piatek”
Repubblica: “Waxaa soo dhacay Piatek: Goolal ayuuna ku duray habeenkii Milan”
Il Giornale: “Naxariis laawaha Pistolero oo qaatay San Siro, Napoli waa la dardaray”
Gazetta: ”Piatek bang bang!”
Corriere della Sera: ”Piatek oo qabsaday San Siro”
Hadalsame Media