(Hadalsame) 30 Jan 2019 – Akram xassan cafiif wuxuu ku dhashay caasimadda dalka Qadar ee Doxa markii ay taariikhdu ahayd 18-kii november 1996.
Xirfaddiisa kubadda cagta ayaa ka soo billaabatay da’yarta naadiga Al Markiya, wuxuuna uga sii gudbay yaryarka teamka uu hadda sida saxda ugu ciyaaro ee Al sadd.
Waxaa u xigay ku biiristiisii akadeemiyada kubadda cagta ee Aspire sanadkii 2009-kii, halkaas oo uu ka noqday arday waqtigiisa oo dhanba kubadda barta, taas ayaana fursad u siisay inuu qeyb ka noqdo barnaamij cayaartooy kala beddelasho ahaa oo uu akadeemiyuhu ugu safrayay waddanka spain.
Wuxuu u ciyaaray yaryarka kooxaha Seville iyo Villareal. Wuxuu metelay naadiga Seville koobka Al Kass 2013. Riyadiisi ahayd inuu noqdo xiddig weyn waxay run noqotay 8 Maajo 2016, wuxuuna u wareegay kooxda heerka koowaad ee horyaalka Spain ee Villareal, wuxuuna noqday Qadarigi ugu horreeyay ee abid ka ciyaara horyaalka La Liga.
Kulankiisii ugu horreeyay ayuu saftay markii uu beddel ku soo galay ciyaar u dhaxaysay villareal iyo Athletico Bilbao. Akram aabihii Xasan Cafiif asalkiisu waa Yemeni ku dhashay magaalo Moshi la yiraahdo oo waddanka Tanzania ka tirsan.
Aabe Xasan Cafiif, wuxuu ahaa cayaaryahan wayn oo u soo ciyaaray kooxaha Simba oo Tanzania ka dhisan iyo Horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya, waana kahor inta uusan deegaan ka dhiganin waddanka Qadar.
Akram hooyadii oo Faa’iso lagu magacaabo lafteedu waa Yemeniyad. Akram wuxuu bartay luuqadda Spanish-ka sanadkii 2015.
Sidoo kale, waxaa jira walaal Akram la dhashay oo lagu magacaabo Cali Cafiif oo laftiisu cayaaryahan ah kana ciyaara horyaalka Qadar, gaar ahaan kooxda Lekhweya. Akram hadda wuxuu u ciyaaraa kooxda Al Sadd, balse waa qaab amaah ah oo waxaa milkiyaddiisa leh naadiga Villareal.
Waxaa isku Duwey: Akhwaan Jidhi
Hadalsame Media