(Jigjiga) 30 Jan 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo ay yeesheen hay’addaha amniga dowlad deegaanka Soomaalida lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa magaalada Jigjiga wixii ka danbeeya 10:00 Habeenimo
Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha amaanka ay daaha ka rogeen inaan la ogoleyn in ay socdaan dadka iyo waliba gaadiidka si loo adkeeyo xasiloonida Magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay dhibaatooyin ay ka jireen.
Ku xigeenka madaxa nabadgaliyadda iyo caddaaladda degaanka Soomaalida Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale la mamnuucay qabashada shirarka aysan ogeyn maamulku.
Wararka ayaa intaa ku daraya in bandowgan uu ka dambeeyay kadib markii 2 ruux oo shacab ahaa lagu dilay rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya maalinimadii shalay.
Madaxda sare ee Maamulka deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay inuu ka dhaxeeyo khilaaf xoog leh waxaana sidoo kale jira xasarado u dhaxeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida.
Hadalsame Media