(Addis Ababa) 30 Jan 2019 – Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Bay 24-kii bishaan waxaana jira warar hour dhac oo ka soo baxaya khasaarha ka dhashay weerarkaasi.
Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaasi cirka ah ayaa sheegay inaysan xagooda wax dhibaato ah ka soo gaarin
Warbaahinta Itoobiya gaar ahaan Muuqaal baahiyaha dalkaasi ee EBC ayaa isagoo soo xiganaya saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Itoobiya sheegay in Duqeyntaasi ay socotay qiyaastii hal saac islamarkaana lagu dilay 35 xubnood ka tirsanaa Al-Shabaab.
Weerarkaan ayaa sida la sheegay ka dhacay tuulo lagu magacaabo Buur Haybe oo qiyaastii 70km u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Howlgalkaan ay fuliyeen ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inuu jawaab u ahaa weeraro jid gal ah ururka Al-Shabaab dhawaan la beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay 57 askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Ma jiraan illo labada dhinac ka madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegashooyinkan kala duwan.
Hadalsame Media