”Haddii la i khaarajiyo laba nin baa i dishey!” – Madaxwaynaha Venezuela oo sheegay in Trump uu MAAFIYO ku dalbaday!

0

(Caracas) 30 Jan 2019 – Madaxwaynaha Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa ku dooday in Donald Trump uu ku dalbaday dowladda Colombia iyo koox Maafiyo ah si loo khaarajiyo, balse wuxuu sheegay inuu amaankiisu si wayn u sugan yahay.

“Waa shaki la’aan, in Donald Trump uu amar ku siiyay dowladda Colombia iyo maafiya Colombian ah inay i khaarajiyaan, marka haddii ay wax igu dhacaan waxaa ka mas’uul ah Donald Trump iyo dhiggiisa Colombia Ivan Duque,” ayuu Maduro u sheegay RIA Novosti.

Maduro, ayaa se kalsooni ka muujiyey awoodda ciidamada amaanka ee dalkiisa. “Waxaa si wanaagsan ii ilaaliya shacabka Venezuelan, waxaana leennahay adeeg sirdoon oo aad u wanaagsan,” ayuu yiri.

Hadalsame Media