(Gaarisa) 30 Jan 2019 – Ciidamada Kenya ayaa howlgallo Raaf ah ka wada xaduuda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gaarisa ee Soomaalidu ku badan tahay. Sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidamada Booliska Kenya waxaa la xiray ku dhowaad 12 ruux oo u badan Soomaali.
Qaar ka mid ah dadkaasi waxaa la qabtay sida la sheegay iyagoo wata labo baasaboor, waxaana ciidamada Kenya ay sheegeen in howlgaladan raafka ah uu socon doonaan.
Nin Soomaali ah laakin haysta dhalashada dalka New Zealand kaasoo lagu magacaabo Sulub Warfaa ayaa ka mid ah dadka ay qabteen ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gaarisa County.
Sulub Warfaa ayaa sidoo kale la sheegay in lagu qabtay Baasaboor Itoobiyaan ah waxaana ugu qornaa magac kale oo ah Ramadaan Yusuf.
Saqaawadiin Cabdullahi Maxamed ayaa isna ka mid ah dadka magacyadooda ay shaaciyeen saraakiisha Kenya, kuwaas oo ku eedeeyay inuu isna watay baasaboor Itoobiyaan ah. Labadan nin oo asal ahaan Soomaali ah ayaa la sheegay in la qabtay xili ay wateen baabuur.
10 ruux kale ee ayaa laga raafay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan Soomaali ah, waxaana howlgaladan ay ka dambeeyeen kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Magaalada Nairobi halkaasi Al-Shabaab ay ku dishay 21 ruux oo shacab ahaa.
Hadalsame Media