Cabsi laga qabo inay dhinteen in ka badan 130 tahriibayaal Afrikaan ah (Akhriso)

0
June 7, 2014 - Mediterranean Sea / Italy: Refugees rescued off a boat and carried onto an Italian navy ship on a mission to seek asylum seekers fleeing Africa and the Middle east through Libya. More than 2,000 migrants jammed in 25 boats arrived in Italy June 12, ending an international operation to rescue asylum seekers traveling from Libya. They were taken to three Italian ports and likely to be transferred to refugee centers inland. Hundreds of women and dozens of babies, were rescued by the frigate FREMM Bergamini as part of the Italian navy's "Mare Nostrum" operation, launched last year after two boats sank and more than 400 drowned. Favorable weather is encouraging thousands of migrants from Syria, Eritrea and other sub-Saharan countries to arrive on the Italian coast in the coming days. Cost of passage is in the 2,500 Euros range for Africans and 3,500 for Middle Easterners, per person. Over 50,000 migrants have landed Italy in 2014. Many thousands are in Libya waiting to make the crossing. (Massimo Sestini/Polaris)

(Jabuuti) 30 Jan 2019 – 5 ruux meydkooda ayaa la helay halka in ka badan 130 kalena la raadinayo kadib markii labo doon oo Tahriibayaal waday ku dageen meel u dhow xeebaha dalka Jabuuti.

Sida ay sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee  IOM  in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah  ayaa nolol iyo geeri toona lagu la’ yahay meel ka baxsan xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo doon oo ay dadkaasi saarnaayeen ku dageen badweynta.

Labada Doon ayaa la sheegay inay si aad ah u buux dhaafeen waxaana loo maleynayaa inay ku dageen meel ka baxsan xeebta Magaalada Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti, sida ay sheegtay IOM.

Joel Millman oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee IOM ayaa shaaca ka qaaday in labadaan dooni ay ku sii jeedeen dalka Yemen si ay ugu sii gudbaan dadkaasi tahriibayaasha ahi wadanka Sucuudiga ama dalalka kale ee gacanta Carbeed .

Ciidamada Badda ee Jabuuti ayaa la sheegay inay baadi goob ugu jiraan dadkii saarnaa labadaasi doon, waxaana warar la helay ay sheegayaan in la helay meydadka 5 ruux iyo labo ruux oo kale ay nafi ku jirtay.

Qaar ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa sheegay in iyagoo dhex maraya badweynta ay kaceen hirar waaweyn kuwaas oo maasheeyay doonyaha waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sare u kacdo.

Dadka u tahriibaya dalalka gacanta cadmeed ee inta badan sii maraya dalka Yemen oo dagaalo sokoyee ay aafeeyeen ayaa aaminsan inay nolo fiican ka heli doonaan wadamada ay u cararayaan hase ahaatee waxay bixinayaan qiimo iyadoo inta badan ay dhacdo in dadkaasi ku dhinteen badda dhexdeeda.

Hadalsame Media