ATALANTA VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Bergamo) 30 Jan 2019 – Waxaa caawa gegada Stadio Azzurri D’italia ee magaalada Bergamo ku ballansan labada kooxood ee Atalanta iyo Juventus oo la ogaan doono toodii usoo bixi doonta nus-dhamaadka Coppa Italia.

Dhanka Atalanta: Barbaariyaha wayn ee Gasperini ayaa isbedel yar ku samaynaya safkii Roma la dheeley todobaad dhamaadkii: Waxaa booska is waydaarsanaya Berisha-Gollini. Waxaa la xaqiijey weerar seddexleey ah.

Dhanka Juve: Allegri ayaa soo safaya Szczesny, halka Perin uu horyaalka dheelayo. Spinazzola ayaa daafaca ka mid ah. Khadka dhexe Matuidi ayaa hoggaaminaya. Bernardeschi oo saamayn wanaagsan ku yeeshay kulankii Lazio ayaa ka mid ah 3-da weerarka.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 1 BERISHA, 31 ROSSI, 6 PALOMINO, 5 MASIELLO, 11 FREULER, 22 PESSINA, 17 PICCOLI, 7 RECA, 21 CASTAGNE, 44 KULUSEVSKI, 99 BARROW
  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 2 DE SCIGLIO, 44 FAGIOLI, 12 ALEX SANDRO, 5 PJANIC, 6 KHEDIRA, 17 MANDZUKIC, 11 DOUGLAS COSTA, 18 KEAN

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Varnier
  • Barzagli, Cuadrado, Bonucci

Hadalsame Media