(Njombe) 29 Jan 2019 – 10 carruur ah oo lagu afduubtay dalkaasi Tanzania ayaa maydkooda la helay, ha yeeshee waxaa lagala baxay xubnihii jirkooda, sida ay maamulka dalkaasi u sheegeen CNN.
Wasiir Xigeenka Caafimaadka Tanzania, Faustine Ndugulile, ayaa sheegay in 10-kan carruurta ah oo la la’aa tan iyo bishii Diseembar oo lagu waayay degmada Njombe, ee koonfur galbeed Tanzania iminka maydadkooda la helay.
Booliiska ayaa qaaday olole baadi goob ah, waxayna soo heleen carruurtii oo dhinsan isla markaana ay maqan yihiin xubno badan oo jirkooda ah iyo xitaa ilkihii sida uu sheegay Ndugulile.
Wasiir Xigeenka Caafimaadka ayaa sheegay in dhaqamada noocan ah lagu yaqaanno dad wax SIXRA oo mararka qaar laga dalbado inay keenaan xubno ka mid ah jirka dadka si ay sixirka ugu adeegsadaan.
Carruurtan oo ay qaarkood aad u yar yaraayeen oo ay 7 jirro ahaayeen ayaa xaafadohooda laga qafaashay bishii ina dhaaftay.
Hadalsame Media