(Tierp) 29 Jan 2019 – Daaradda guri ku yaalla magaalada yar ee Tierp, oo hoos tagta Uppsala, waxaa ka dhacay weerar lama filaan ah oo ay yeey baahani soo qaadday.
Tobias Ågren, 36 jir, ayaa sheegay inuu rumaysan waayay markii ay saaxiibtii Rebecca Holmstedt, 24 jir, u yeertey si ay u tusto waxa ka socda daaradda gurigooda, halkaasoo ay yeey kusoo weerartay deero joogtey jirdiinada beerta oo uu baraf qariyay, kaasoo uu iminka dhiig daboolay.
Yeeyda ayaa u nasanaysay deerada oo dhulka taalla balse weli nafi ku jirto, kaddib markii ay muddo cunaha kaga dheganayd si ay dhiigga kulul ee ogsijiinka badan ee maskaxda u socda uga jaqdo.
Booliiska: “Ilmaha iyo eeyaha waa in guryaha lagu hayaa”
Waxaa markiiba loo yeerey booliiska oo bilaabay inay yeeyda ka raadiyaan agagaarka magaalada si looga fogeeyo meesha, waxayna maamulka magaalada iyo booliiskuba ay dadka ku amreen in carruurta iyo eeyaha il dheer loo lahaado oo aan loo ogolaan inay kaligood daaradda ku ciyaaraan.
Yeeydu waa doorjoogta ugu badan ee ku nool cirifka qaboobaha ah ee woqooyiga dunida oo ah halka ay Sweden iyo dalal kale dunida kaga yaallaan.

Hadalsame Media