Soomaaliya iyo Qadar oo sii xoojinaya cilaaqaadkooda dhanka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya

0

(Muqdisho) 29 Jan 2019 – Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Qadar ay balan qaaday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Milltariga.

Qadar waxay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana dhowaan dalkaasi safar ku tegay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Magaalada Doxa uu kala soo kulmay natiijo wanaagsan iyadoo sida uu yiri dowladda Qadar ay balan qaaday inay sii xoojin doonto taageerada dhan walba ah oo ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhigiisa dowladda Qadar ay isku-afgarteen wadashaqeyn dhow inay yeeshaan,isla markaana dowladda Qadar ay balan qaaday inay garab istaagi doonto Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Qadar ay Soomaaliya ku taageertay gaadiid badan oo ah kuwa Gaashaaman ee ciidamada.

Hadalsame Media