SAWIRRO: ”Waxaan ku faraxsan ahay inay Somalia JID wanaagsan ku joogto” – Kenyatta oo sheegay war khilaafsan midkii Museveni

0

(Nairobi) 29 Jan 2019 – Waxaa weli Soomaalida dalkooda jecel dhegohooda kasii yeeraya war diblomaasiyad ahaan dhinac loo fasiro la waayay oo uu dhowaan jeediyay Madaxwaynaha Uganda.

Yoweri Musaveni ayaa jeer uu u khudbeeynayay garsoorayaasha dalkiisa, wuxuu mar qura jeebka kala soo baxay war aan sina u khuseeynin xitaa moowduucii miiska saarnaa oo ku saabsan in Somalia ay ugu horreeysey dalalka aan lahayn dowlad shaqaynaysa.

Yeelkeede, dhiggiisa dalka Kenya, Md Ahuru Kenyatta oo maanta Madaxtooyada Kenya ku qaabiley Wasiirka Koowaad ee Somalia, Xasan Cali Khayrre, ayaa goor dhowayd sheegay war aad uga duwan midka Museveni, isagoo rajo iyo yididiilo ka muujiyay dalka Somalia.

Kenyatta ayaa Twitter-kiisa rasmiga ah kusoo qoray sidatan: ”Waxaan ku faraxsan ahay in Somalia ay ku socoto jid wanaagsan – dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xiriirka ay la leedahay jaalalkeeda caalamiga ah..”

Wuu sii hadloo wuxuu isagoo faanaya raaciyay: ”Tani waxay caddayn u tahay in dadaallada ee nabad kusoo dabaalidda dalku ay mira dhalayaan. Kenya waa ka daacad taageerada dib u dhiska Somalia.”


Si kastaba, Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay dembiyo dagaal ka gaysato gobollada koonfureed ee aadka u xiga xuduud beenaadka sida Gedo iyo labada Jubba, iyadoo burburisay xarumaha shirkadda Hormuud, dad rayid ahna duqaysay.

Hadalsame Media