DAAWO: Qadar oo Sucuudiga & Imaaraatka dhan kasta uga raysay + Sawirro (Arrin ceeb ah oo ay sameeyeen Imaaraatku)

0

(Abu Dhabi) 29 Jan 2019 – Kulankii wada Khaliijiga ahaa ee Nus-dhamaadka Koobka Aasiya ayay ceeb wayni ka dhacday, ka gadaal markii ay taageerayaasha Imaaraatku kabo ku tuuryeeyeen xiddigaha ka adkaaday ee Qadar.

Kumannaan taageere oo Imaaraati ah ayaa kasoo buuxsamey garoonka Mohammed bin Zayed Stadium ee Abu Dhabi iyagoo quud darraynayay inuu xulkoodu cashar u dhigi doono mid ka mid ah dalalka ay xafiiltamaan.

Yeelkeede, waxaa la gaarsiiyay inay caro la qaacaan kaddib markii ay 4-0 direen Qadariyiintu, kulan lagu sheegay derby-gii go’doominta oo ay xasaasiyad siyaasadeed ku qasnayd.

Waxay shaashadaha caalamku soo qabteen laacibiinta reer Qadar oo ku hor dabbaal degaya taageerayaasha Imaaraatka kaddib goolkii 2-aad ee uu dhaliyay Almoez Ali, taasoo in ay qaadi karaan kala badnaatay taageerayaasha maxalliga ah oo kab maciin biday.

Waxaa la arkayay iyagoo kabo roob da’ay uga dhigaya laacibiinta Qadar, jeer ay nidaamiyayaasha garoonka iyo xitaa qaar ka tirsan taageerayaashu ay ku qaylinayeen ”ceeb caleek, war isku xishooda.”

Qabtaha xulka UAE, Khalid Eisa ayay dani ku khasabtay inuu kabaha ka nadiifiyo wajhadda goolkiisa oo uu sidoo kale kasoo saaray 4 kubadood oo ay ku rideen xulka Qadar.

Qadar ayaa horay isla koobkan ugu soo tumatay xulka Sucuudiga, taasoo ka dhigan inay Qadar siyaasad ahaan iyo ciyaaro ahaanba uga raysay labadii dal ee gundhigga u ahaa go’doominta lagu sameeyay.

Hadalsame Media