MIL VS NAP 2-0…. AC Milan oo usoo baxday nus-dhamaadka Coppa Italia kulan uu wacdaro ka dhigay Piątek + Sawirro & Googooska

0

(Milano) 29 Jan 2019 – Kooxda AC Milan ayaa usoo baxday nus-dhamaadka Koobka Talyaaniga kaddib markii ay 2-0 iskaga reebtay kooxda SSC Napoli, ciyaar ka dhacday San Siro.

Kooxda Milan waxaa labada gool oo aad u qurux badnaa u wada dhaliyey weeraryahankeeda cusub ee Krzysztof Piątek oo caawa aad u wareeriyay daafaca Napoli.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Piątek uu 27 daqiiqo uun ku dhaliyey goolashii uu dhaliyey Gonzalo Higuain 12-kii kulan ee ugu dambeeyay isagoo xiran maaliyadda Milan.

Piątek oo lagu naanayso Il Pistolero ayaa sidoo kale ansixiyay 21 gool, 23 kulan oo uu saftay Horyaalka iyo Koobka Talyaaniga oo uu 8 gool ka dhaliyay 3 kulan oo qura.

AC Milan oo midkood sugaysa Inter iyo Lazio oo Khamiista dheelaya, ayaa gaartey nus-dhamaadka Koobka Talyaaniga, iyadoo aan weli hal gool laga dhalin.

Halkan hoose ka DAAWO googooska…

Hadalsame Media