Liiska dalalka ugu MUSUQA badan caalamka oo lasoo saaray (Somalia halkee ku jirtaa?)

0

(Berlin) 29 Jan 2019 – Hay’adda Transparency International (TI) ayaa soo saartay taxa dalalka ugu musuqa badnaa ama ugu musuqa yaraa adduunka sanadkii tegey ee 2018.

Dalka dunida ugu musuqa yari wuxuu noqday dalka Denmark, halka dalka caalamka oo idil ugu musuqa badan ay mar kale xiratey Somalia.

Somalia oo sanadkii hore in yar sare u kacday balse booskan kusoo noqnoqotay ayaa marar badan waxaa sababta lagu micneeyaa inuu yahay daciifnimada hay’aadka dowladeed iyo dalka oo aan lahayn nidaam dhexe oo leh hab-raac iyo hilinno daah furan oo saamaxaya isla xisaabtanka ama xitaa fahamka sida ay wax u socdaan.

Somalia ayaa iminka la hardamaysa dib u dhiska iyo ka shaqaynta hay’aadkii dowladeed ee dagaallada sokeeye ku burburay, balse wax kastaahi waxay ku socdaan si gaabis ah, waxaana inta badan arrimahaa xagal daaciya muranno siyaasadeed oo ma dhalays ah iyo rabitaan iyo qorshe siyaasadeed oo cad oo aan jirin.

Hadalsame Media