KASHIFAAD: Maraykanka oo lagu eedeeyay inuu xabsiga xeerka dhinac marsan ku leeyahay Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Jan 2019 – Jeremy Scahill, oo ah suxufi qoraa ah islamarkaana soo saaray buugag badan oo ay ka mid yihiin Dirty Wars ayaa 10/12/2014 waxa uu qoray maqaal uu kaga hadlayay saldhigyada qarsoon ee sirdoonka Mareykanku ku leeyihiin soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Jeremy waxa uu tilmaamay in uu jiro xabsi qarsoon oo dhulka hoostiisa ah kaas oo ku dhaxyaal xarunta sirdoonka soomaaliya islamarkaana ay maxaabiista qaarkood ku wareystaan xubno ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Sidoo kale warbixin la soo saaray sanadkii dhamaaday ee 2018 ayaa waxaa ku jiray meelaha mareykanku ku leeyahay xabsiyada qarsoon dalka Jabuuti.

Xabsi qarsoon waxa uu micnihiisu yahay in qofka ku jira aanu heleeyn cadaalad buuxda iyo hab-raac sharciga waafaqsan, islamarkaana ay dhici karto in la jirdilo sidii ka dhacday xabsigii Abu Qureyb ee ciraaq.

Waxaa kaloo dhici kara tacaddiyo wadareed ku dhici kara dad aan hayn dembiilayaasha saxda ah maadaama ay wax kastaahi ka qarsan yihiin indhaha shacabka, sharciga iyo saxaafadda.

Wadamo badan oo ay ku yaaleen xabsiyada qarsoon ee Mareykanka ayaa hadda iska diiday in ay sii jiraan waxaana ka mid ah dalka Afgaanistaan.

Xabsiyadan ayaa la sheegay inay si toos ah u maamusho hay’adda sirdoonka caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee CIA.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media