Dhalinyaro badan oo lagu xir-xiray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (Sababta)

0

(Nairobi) 29 Jan 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi ay xir-xireen dhalinyaro badan kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Boolisa Kenya ayaa ka hadlay xariga dhalinyaro sida ay sheegeen la diiwaangalinayay si ay ugu biiraan ururka Al-Shabaab kaasoo ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Booliiska ayaa sheegay in dhalinyaradda la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, waxaana qabashadoodu ku soo beegmaysaa xili dhowaan ururka Al-Shabaab uu sheegtay weerar ka dhacay Hotel ku yaala bartamaha Magaalada Nairobi.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 21 ruux oo shacab ah waxaana sidoo kale asbuucaan horaantiis ka dhacay Magaalada Nairobi qarax bom waxaana ku dhaawacmay labo ruux sida ay sheegeen Booliska Magaalada Nairobi.

Ciidamada amaanka ee Kenya ayaa ku jira foojignaan sare iyadoona dadwaynaha dalkaasi loogu baaqay inay taxadaraan oo ay soo sheegaan haddii ay arkaan wax ay ka shakiyeen iyo dad ku cusub deegaankooda.

Hadalsame Media