(Jigjiga) 29 Jan 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee caasimadda Gobolka Soomaalida ayaa sheegaya inay halkaasi rasaasi ka dhacday.
War aynaan weli xaqiijin ayaa sheegaya in dad u dhashay qoowmiyadda Amxaaradu ay meesha mudaaharaad gacan ka hadal ku dhisan ka wadaan.
Waxaa la sheegay inay qori ka dafeen askari ka mid ah kuwa booliiska maxalliga ah ee degaanka, kaddibna ay isagii dileen, waxaana markaa kaddib bilaabatay rasaas keentay in iyagana 2 qof laga dilo.
Amxaarada iyo Oromada ayaa ka mid ah qoowmiyadaha ku nool Jigjiga oo ah dhul Soomaaliyeed, kuwaasoo mar mar wax ka sheegta magaalada.
Ciidamada dhexe ee Federaalka Itoobiya ayaa la sheegayaa inay magaalada soo galeen si ay xaaladda caadi ugu soo celiyaan.
Soomaalida Itoobiya ayaa cadaalad darro ba’an ka tirsanaysa maamulladii kala dambeeyay ee dalkaasi Itoobiya.
Hadalsame Media