Wax ka ogow socdaalka RW Soomaaliya ee dalka Kenya

0

(Muqdisho) 28 Jan 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Kenya.

RW Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Soomaaliya.

Kenya waxaa Somaaliya ka jooga kumanaan ciidamo ah oo ka trisan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxaana sidoo kale ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay tacadiyo waaweyn u gaysteen shacabka Soomaaliyeed ee gobolada Jubbadaha Hoose iyo Gedo.

Dhowaan kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayay si kulul ugu cambaareeyeen falal ciidanka Kenya ku burburiyeen xarumo isgaarsiineed oo ay la hayd shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

RW Soomaaliya ayaa la filayaa in waxyaabaha uu kala hadli doono Madaxwaynaha Kenya ay ka mid yihiin tacadiyada la sheegayo in ciidamada Kenya ka gaystaan deegaanka Soomaalida ee u dhow xaduudaha labada dal.

Hadalsame Media