RASMI: DF Somalia & maamullada oo heshiis gaarey + Muuqaal (Shir kale oo lagu ballamay)

0

(Garoowe) 28 Jan 2019 – Shir maanta ay magaalada Garoowe ku yeesheen Madaxwaynaha Somalia oo ay wehliyaan qaybo ka tirsan DF iyo madaxda maamul-goboleedyada ayaa kusoo afjarmay magaaladaasi.

Shirkaasi ayaa laga gaarey muwaafaqo ku aaddan in halkaa lagu hakiyo khilaafkii ka dhex jirey DF iyo maamullada, iyadoo dib loo soo celin doono shirkii Guddiga Amniga Qaranka.

Shirka ayaa loo ballamay in caasimadda Puntland ee Garoowe lagu qabto bartamaha bisha Maarso taasoo uu soo jeediyay MW Somalia, si horay loogu dhaqaajiyo arrimaha horyaalla qaranka.

MW Puntland oo kaddib shirkaasi qabtay shir jaraa’id oo mahad celin ah oo uu arrimahan ku faaqiday ayaa rajeeyayay in ay tani baal cusub u furto umadda Soomaaliyeed ee muddada dheer u silacsan khilaafaadka siyaasiyiinta.

Hadalsame Media