(Muqdisho) 28 Jan 2019 – DF Somalia ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay waraaq ay daabeceen qaar ka mid webabka Soomaalida.
Warqaddan oo sidoo kale wareegaalaysanaysa Baraha Bulshada ayaa waxaa ku qoran in ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ay “hakisay xiriirkii diblomaasi” ee kala dhexeeyay dalkaasi Uganda.
Waxaa kaloo warqadda ku dhigan Somalia oo codsanaysa “in la ixtiraamo madax bannaanideeda iyo qarannimadeeda.”
“Warka ku qoran wqaddani waa been aanay waxba ka jirin.” Ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia oo ay warbaahinta Hadalsame arrintan hordhigtay.
Waxaa aad loo hadal hayaa khudbo uu jeedinayo Madaxwaynaha Uganda oo dad dhegeeysanaya u sheegaya in “aanay Somalia dowlad lahayn” waxaa se loo badinayaa xilligii dowlad la’aanta.
Hadalsame Media