Madaxdii ka qaybgashay xafladii caleema-saarka ee Garowe oo kulan sagootin ah loo sameeyay+SAWIRRO

0

(Garowe) 28 Jan 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay ka qeyb galay kulan Casho ah oo uu Madaxweynaha Puntland ugu sameeyay Magaalada Garoowe.

Casha sharafta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda Casho sharafta ayaa ahayd mid lagu maamuusayay Madaxda iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Hadalsame Media