(Mandhera) 28 Jan 2019 – Waxaa Axaddii shalay ahayd magaalada Nairobi, gaar ahaan Intercontinental Hotel ku shiray Guddiga Isku dhafka ah ee Iskaashiga ee Kenya iyo Somalia.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya iskaashiga labada dal iyo sidii loo jeexi lahaa istaraatijiyad lagu hormarinayo danaha labada dal iyo xoojinta xiriirkooda.
Waxaa maanta kulankaasi loo wareejiyay dhanka ismaamulka Mandhera County, halkaasoo ay ku kulmayaan Wasiir dibadeedyada Somalia, Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya.
War hoose oo uu Hadalsame ka helay dhanka dowladda Kenya ayaa sheegaya in ajeendaha la isla dejin doono inta uu shirku soconayo. Shirka ayaa iminka soconaya.
Wixii kusoo kordha halkan kala soco haddii ALLE idmo….
Hadalsame Media