ADDUUNYO! Itoobiya oo qadyaan ka taagan SUURIYAAN tuugsi ka bilaabay dalkaasi (Tillaabo la qaadayo)

0

(Addis Abeba) 28 Jan 2019 – Ethiopia ayaa mamnuucaysa qaxooti Suuriyaan ah oo bilaabay inay ka tuugsadaan jidadka magaalooyinka waawayn ee dalkaasi, hoteellada iyo masaajidda.

“Waxaannu haatan arrintan la kaashaynaa ciidamada amaanka si loo mamnuuco tuugsiga muwaadiniinta Suuriya. Waan u dul qaadanay muddo balse arrintani iminka waxay nagu noqotay culays,” ayuu yiri Yemane Gebremeskel, agaasime xigeenka Waaxda Socdaalka dalkaasi oo la hadlayay The Associated Press.

Ilaa 560 Suuriyaan ah ayaa lagu warramayaa inay Itoobiya soo galeen intii u dhaxaysay bilihii Agoosto ilaa bartamihii Diseembar, kuwaasoo marka hore qaab dalxiis ah fiisaha kusoo dalbada kaddibna laaban waaya, isla markaana tuugsi bilaaba.

Waloow aanu dawarsigu dembi ka ahayn dalka Itoobiya, oo ay ka tuugsadaan dad badan oo Itoobiya lafteeda u dhashay, waxaa khalad ah in dalka lagu soo galo qaab dalxiis kaddibna laga dawarsado, sida uu ku doodayo Yemane Gebremeskel.

Ilaa 120 qof oo Suuriyaan ayaa dalbaday in qaxooti ahaan loo qaabilo, kuwaasoo iska dhiibey Itoobiya oo ka mid ah dalalka dunida ugu qaxooti badan, waxayna helaan kaalmo u dhiganta  $73 doollar.

“Waan siinnay wixii aan u awoodney balse weli way tuugsanayaan,” ayuu ku qayliyey Yemane.

Itoobiyaan fara badan ayaa la yaabay markii ay arkeen Suuriyaan raxan raxan u socda oo tuugsi ka bilaabay jidadka caasimadda, Addis Ababa, iyagoo sita astaamo ay kusoo qoreen farta maxalliga ah ee Amxaariga, si loogu kaalmeeyo.

Hadalsame Media