(Baydhabo) 28 Jan 2019 – Doorashada kursi ka dhinaa Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka Baay islamarkaana ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Illaa afar musharax ayaa u tartamayay kursigan banaan oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo xubin ka ahaa Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,iyadoo 44-ergo ay dooranayeen Xildhibaanka buuxinayo Kursiga ka banaan Golaha shacabka.
Magacyada Musharixiinta ayaa kala ahaa Cabdullaahi Sheikh Maxamed,Isaaq Macallim Sheikh,Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur,iyadoo saddex ka mid ah afarta musharaxa ay ka maqnaayeen goobta doorashada.
Eng: Maxamed Axmed Nuur oo ah xubin ka tirsan Guddiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada,wuxuuna sheegay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu ku guuleystay kursigan.
Doorashadaan ayaa la sheegay in xalaal ah ay qabsoontay, waxaana amaanka goobta aad u illaalinayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.
Hadalsame Media