Goorma ayuu Museveni jeediyay khudbadda uu Somalia ku maagay? (Daawo)

0

(Kampala) 28 Jan 2019 – Madaxwaynaha kali taliska ah ee dalkaasi Uganda Yoweri K Museveni ayaa Somalia ku tilmaamay ”dal aan dowlad lahayn”.

Halkan ka DAAWO…

Museveni ayaa goorta uu hadalkan jeediyay iyo goobta ayaa sharraxaya farqiga u dhexeeya qaran ama umad iyo dowlad, isagoo sheegaya in erayga qaran ama umad (nation) uu asal ahaan kasoo dhambalmay eray Laatiin ah oo la micne ah ”nativity”, kaasoo ka dhigan ka dhalasho ama u dhalasho.

Dowlad ayuu ku tilmaamayaa maamul agaasiman oo dusha ka maamula hal umad ama dhowr umadood, waana sida caalamiyan loo qeexo dal iyo dowlad.

Wuxuu deeto sheegay inuu tusaale fiican u hayo dal ay dad ku nool yihiin, balse aan nidaam ama dowlad dhexe oo maamusha lahayn, Somalia ayaa ka mid ah ayuu dhiirran u yiri.

Kaaga darane, Museveni ayaa intaa raachsey inay weliba dalal kale jiraan, balse uu ka gaabsanayo sababo diblomaasiyadeed dartood, waxayna dad badani is waydiinayaan sababta aysan Somalia u istaahilin in diblomaasiyad ahaan looga xishoodo.

Waxay awal dad badani isku qancinayeen inuu warkani yahay mid hore, balse kaddib markii aannu dabagal ku sameeynay goorta uu hadalkan jeediyay, waxaa noosoo baxday inuu ka sheegay kulankii sanadlaha ahaa ee Garsoorayaasha Uganda oo lagu qabtay Serena Hotel, waxaana Twitter-ka NTV Uganda lasoo dhigay wax ka yar shalaytoole.

Halkan hoose ka arag Twitter-ka….


Hadalsame Media