(Kampala) 28 Jan 2019 – Madaxwaynaha kali taliska ah ee dalkaasi Uganda Yoweri K Museveni ayaa Somalia ku tilmaamay ”dal aan dowlad lahayn”.
Museveni oo aan la ogayn goorta uu hadalkan jeediyay iyo goobta ayaa sharraxaya farqiga u dhexeeya qaran ama umad iyo dowlad, isagoo sheegaya in erayga qaran ama umad (nation) uu asal ahaan kasoo dhambalmay eray Laatiin ah oo la micne ah ”nativity”, kaasoo ka dhigan ka dhalasho ama u dhalasho.
Dowlad ayuu ku tilmaamayaa maamul agaasiman oo dusha ka maamula hal umad ama dhowr umadood, waana sida caalamiyan loo qeexo dal iyo dowlad.
Wuxuu deeto sheegay inuu tusaale fiican u hayo dal ay dad ku nool yihiin, balse aan dowlad dhexe oo maamusha lahayn, waana Somalia ayuu dhiirran u yiri.
Museveni ayaa intaa raachsey inay weliba dalal kale jiraan, balse uu ka gaabsanayo sababo diblomaasiyadeed dartood, waxayna markaa u muuqataa inuu warkani ahaa xilliyadii aysan Somalia haba yaraatee wax dowlad ah lahaan jirin.
Hadalsame Media