DAAWO: ”Sidee qof Yuhuudda neceb loogu daray Guddiga Arr. Dibedda Koongarayska?!” – Fox News oo daba dhigtay Ilhaan Cumar (Eedo kale oo uu jeediyay)

0

(Washington, DC) 28 Jan 2019 – Wakiilka Minnesota ku metela Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka, Ilhan Omar, D-Minn., ayaa waxaa ka daba qaatay hilin-wareedka xag-jirka ah ee Fox News TV, kaasoo ku eedaynaya in xitaa mar u janjeertey niman doonayay inay ku biiraan kooxda ISIS.

Fox New ayaa sidoo kale soo qufay war ay horay u sheegtay Ilhaan Cumar oo ay ku taageeraysay shacabka reer Falastiin, iyadoo Israel ku eedaysay inay ”adduunka sixirtay” oo ay tahay in lagu baraarugo xumaanta ay faleeyso oo tillaabo laga qaado.

Fox News ayaa arrinteeda hor dhigay Ari Fleischer oo mar ka shaqayn jirey Aqalka Cad oo uu warfaafinta ugu qaybsanaa, sidoo kalena iyaga wax u falanqeeya, dhalasho ahaanna Yuhuud ah.

Fleischer ayaa ku tiiqtiiqsaday inay Nancy Pelosi aad ugu khaldan tahay inay Ilhaan Cumar, oo sida uu yiri ah qof uu Yuhuud nacayb ka muuqdo ay ku darto Guddiga Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaybsan Koongarayska, kaas oo uu ku tilmaamay mid dhaqan ahaan u xagliya dhanka Yuhuudda.

Guddiga Arrimaha Dibedda Koongarayska ayaa ah midka laxameeya siyaasadda dibadeedka uu Maraykanku dunida ku wajahayo.

Ilhaan ayay ku eedeeyeen in 2015 oo ay wakiil heer gobol ah ka ahayd Minnesota ay 9 nin oo ku eedaysnaa inay Daacish ku biiri rabeen u guntatey, waxayna ku doodeen inay ka mid ahayd dad warqad u qoray Xaakimka Michael Davis oo ay ku tirtirsiiyeen inuu xukunno gaaban ku rido nimankaasi, iyagoo bay yiraahdeen ku doodaya in xukun adagi uu xag-jirnimo kusii riixi karo.

Fox New TV, ayaa lagu tilmaamaa hilin aan inta badan xeerinin qawaaniinta u degsan saxaafadda, isagoo si gaar ah u daba dhigta dadka laga tirada badan yahay ee Maraykanka, isla markaana u ololeeya inuu Maraykanku dunida ku wajoho siyaasad ku dhisan xoog iyo gacan ka hadal, gaar ahaanna aad u taageera siyaasiyiinta loo yaqaanno Muxaafidiinta Cusub (Neoconservatism) iyo Israel.

Arrintan ay ku shidayaan ayaa halisteeda leh, marka la eego qaabka ay u jilan tahay siyaasadda Maraykanku.

Halkan ka DAAWO…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media