XOG: Xeer Ilaalinta Somaliland oo jartay barwo ay ku qoran tahay in aragti lagu xiro Faarax Murtiile (Daawo sababta)

0

(Hargaysa) 27 Jan 2019 – Xeer ilaalinta Somaliland ayaa la sheegayaa inay barwo xiritaan ah u jareen fannaanka iyo maadyahanka Faarah Murtiile, taasoo la dhigay meelaha laga soo galo Somaliland sida garoomada.

Sida ay warbaahinta maxalliga ihi kasoo xigatey qaar ka mid ah howlwadeennada gegada caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargaysa, waxaa loosoo gudbiyay barwadan oo dalbanaysa in aragti lagu xiro hal abuur Faarax Murtiile.

Barwadan ka dhanka ah Faarax Murtiile ayaa loo badinayaa inay salka ku hayso ka qayb galkii caleemo saarkii xalay ka dhacay Garoowe, kaasoo uu Madaxwaynaha Somalia kula hadlay jiifto u dhignayd inuu booqdo Hargaysa oo uu doono gobollada woqooyi si loosoo celiyo midnimadii.

Murtiile oo haatan la sheegay inuu weli ku sugan yahay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaan la ogayn tillaabada xigta ee uu qaadi doono.

Hadalsame Media