(Garowe) 27 Jan 2019 – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ka qaybgalay xafladii caleema-saarka ee Madaxwaynaha Maamulka Puntland, ayaan ka mid noqon dadkii iyo madaxdii khudbadaha ka jeediyay xafladii caleema-saarka.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta looga reebay iyo haddiiba uu markii hore uusan ka mid ahayn liiska dadka loogu talagalay inay madasha caleema-saarka ka hadlaan. Yeelkeede waxaa xafladan oo ka dhacday Magaalada Garowe xalay ka qaybgalay madax hore,Siyaasiin caan ah, iyo Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (CCW) ayaa ah Mucaaradka ugu weyn ee maamulka Madaxwayne Farmaajo waxaana la filayay inuu xalay ka hadli doono xafladii caleema-saarka, hase ahaatee sheekadu sidaasi ma noqon.
CCW waxay kaamiradu qabatay isagoo dhex fadhiya qaybta ay fadhiyeen dadwaynaha caadiga ah waxaana uu aad ugu dhawaa meesha ay fadhiyeen hoggaanka dhaqanka Puntland.
Furitaanka Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa hoolka mid mid u soo galay madaxda la casuumay iyo marti sharaf kale waxaana la filayay in qofka ugu dambeeya ee hoolka soo gali doona uu noqon doono Madaxwayne Farmaajo.
Hase ahaatee waxaa in muddo ah Kaamirada weriyaasha ay raadinaysay CCW oo aan ka soo muuqan xaflada wixii ka horeeyay intii uusan soo gali Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ugu dambeyntii waxaa soo galay hoolka caleema-saarka Madaxwayne Farmaajo, dadkii oo dhan waa istaageen, madax iyo shacab, waxaa mar kale Kaamiradu aysan qaban oo aan dadkii taagnaa ku jirin CCW, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.
“Ma laha waa uu ka maqan yahay xaflada, dad badan oo daawanayay shaahadaha telefishinada ayaa sidaasi iswadiinayay,”
Madaxwaynaha Soomaaliya oo madaxdii iyo shacabkii hoolka fadhiyay ay mar qura u istaageen, islamarkaana astaanta Qaranka Soomaaliya loo tumay, ayay dhamaan martidii fadhiisteen. Xafladiina halkeedii ayay ka sii socotay.
Waxyar kadib waxaa si lama filaan ah Kaamiradu u qabatay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCW oo meel luuq ah oo dadka dhexdiisa ka soo muuqday isagoo wajigiisa la fahmi karay inuu xaflada uga soo daahay inuusan ka mid noqon dadka u istaagaya Madaxwaynaha Soomaaliya, marka uu hoolka soo galo astaanta Qarankana loo tumayo.
Haddii si kale loo dhigo, CCW waxaa uu iska diiday inuu u istaago Madaxwayne Farmaajo, waana sababtaas mida loo maleynayo inuu xaflada soo xaadiri waayo xili si la mid ah madaxda kale iyo Siyaasiinta .
Wararka ayaa sheegaya in Madaxwaynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ka codsaday CCW inuu khudbad ka jeedin xaflada Caleema-saarka , waxaana taasi sabab looga dhigay iyadoo maamulka Puntland welwel ka qabay In siyaasiinta is-diidan ee ay xaflada ka dhigaan goob ay isku weeraraan.
Hadalsame Media