(Garoowe) 27 Jan 2019 – Wararka kale oo dheeraad ah oo Hadalsame kasoo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in uu soo dhamaaday kulan gaar ah oo halkau ku dhex maray madaxda ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shirkan ayay soo xaadireen gebi ahaanba madaxda maamul goboleedyada dalka, madaxweynayaashii hore ee dalka, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa iyo madaxda DF Soomaaliya.
Ilaa hadda xog dheeri ah lagama bixin waxyaabihii looga hadlay kulankan aan caadiga ahayn, yeelkeede, dadka ku dhow dhow goobta shirka ayaa sheegaya in ay sheekadu ka bilaabatay quraacdii ay madaxdu iskugu yimaadeen.
Yeelkeede, waxaa la sheegay in shirarkani sii socon doonaan, iyadoo Hadalsame Media ay ilo shirka ku dhow u sheegeen in ay dhici karto in isla galabta uu dhaco kulan kale oo dhexsanaya madaxda DF iyo kuwa maamul-goboleedya, kaasoo ay kaddib kasoo bixi karto in kulan rasmi ahi ka dhoco magaalada Muqdisho, si loo sii turxaan bixiyo madmadowga jira.
Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, waloow markii dambe loo saamaxey inay sawirro madasha ka qaataan, ayaa waxaan sidoo kale ka qaybgelin qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliila DF Somalia, sida axsaabta mucaaradka, kuwaasoo la sheegay inay joogeen qaacadii ay quraacdu ka dhacaysay.
“Shirkaan wuxuu dhexmaray madaxda aan kuu sheegay, anaga waxaan ka joognay banaanka laakiin quraac sharafeedkii waan ka qeyb galnay, xubnaha Mucaaradka Xasan Sheikh ayaa kaga jira.” ayuu qof goobjoog ihi u sheegay warqaadka Caasimadda Online.
Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheikh Axmed, ayaa xalay qaab kaftan ah usoo jeediyay inay madaxdu isu timaado oo wada hadasho.
Hadalsame Media