(Milano) 27 Jan 2019 – Agaasimaha Guud ee Juventus jaalle Fabio Paratici ayaa sida lasoo werinayo wuxuu makhaayad laga cunteeyo ku iloobey istaraatijiyadda u jeexan suuqa kala iibsiga ee kooxdaasi.
Sirta warqaddan laga helay ayaa waxaa ka mid ah inay doonayaan laacibiin badan oo soo baxaysa sida Nicolò Zaniolo, Sergej Milinkovic-Savic, Federico Chiesa iyo Sandro Tonali.
Waa dabcan saf aad u adag oo mustaqbal waana arrin haatan qabsatay suuq jiilaalka Jannaayo, warqaadka Il Tempo ayaa qoraya in Paratici oo sidoo kale suuqa ugu qaybsan Juve uu warqaddan uga tegey makhaayad wayn oo ku taalla Milano.
Waxaa la sheegay inuu warqadda inta jeexjeexay qashinka ku daray, balse nin arkayay ayaa kasoo saaray oo is waafajiyay qaybihii warqadda.
Waxaa warqadda ku cad muluqa Roma ee Zaniolo oo 40m ku qoran tahay, laacibka Brescia ee dhexda ka dheela ee Tonali 20m, daafaca Genoa ee Cristian Romero 20m, jookar yaraha Fiorentina ee Chiesa 50m iyo laacibka RB Salzburg ee Dominik Szoboszlai 10m.
Dhanka kale Miralem Pjanic ayaa waxaa ku ag qoran Milankovic Savic, taasoo dusinaysa micne ah in haddii uu laacibkaasi ka yimaado Lazio uu ninka hore ka fasaxan yahay Juve.
Hadalsame Media