SAWIRRO: Ma taqaan xubinta dadka ee u samaysan sida MOOSKA? (Ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 27 Jan 2019 – Waxaa baraha bulshada wareegaalaysanaya muuqaal ay gabar weriye ihi dadka ku waydiinayso su’aal ku aaddan inay sheegaan ”xubin ka mid ah jirka dadka oo u samaysan sida mooska/muuska.”

Yeelkeede, sida muuqata dad badan baa gabadha khalad ka fahamtey, ama ugu yaraan waxaa tuhunka abuuraya gabadha oo su’aashan la doonatay ragga.

Waxaa kaloo jirta arrin kale oo jawaabta su’aasha marin habaabinaysa, waana aqoon darro inta badan dadka ka haysata xubnaha jirka insaanka iyo muuqaalladooda.

Xubinta jirka insaanka ka mid ah ee sida muuska u samaysan ee ay gabadhani ka haddaba gabadhu ka hadlaysaa ma aha midda markiiba kusoo dhacaysa maanka dadwaynaha.

Sida muuqaalka laga arkayo raggii su’aasha la waydiiyay ayaa xitaa ka yara khajilaya inay jawaabta bixiyaan, waayo waxay u fahmeen xubinta taranka ragga.

Ha yeeshee, sida saxda ah ee ay gabadhu ula jeeddo waa xubinta Ganaca (Pancreas), oo ah qanjirka sii daaya Insulin-ta iyo dhecaannada kale ee muhimka u ah dheefshiidka cuntada aad cunto.

Ganacu wuxuu ku hoos laaban yahay xubinta beerka, waloow uu u jiifo ama u badan yahay dhanka bidix ee ubucda qofka.

Hadalsame Media