(Garowe) 27 Jan 2019 – Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo khudbad gaaban ka jeediyay xafladii caleema-saarka ee xalay ka dhacday Magaalada Garowe ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay dib u heshiisiin iyo in si wanaagsan dib u eegis loogu sameeyo Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.
Mr. Faroole ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada hoggaanka dowladda dhexe iyo maamullada inay xaliyaan haddii ay wali jiraan wax mad madow ah oo u dhexeeya si buu yiri loo gaaro midnimo iyo wadajir.
Isagoo ka hadlay arrinta maamulka Soomaliland ayaa Mr. Faroole waxaa uu ugu baaqay maamulka Somaliland in ciidamadooda ay kala baxaan deegaanka Tukaraq islarmakaana la illaaliyo deris wanaaga.
“Ma jiraan wax farqi ah oo u dhaxeeyay labada shacab ee Somaliland iyo Puntland caadi ayayna isku dhex maraan, kaliya waxa kala xiran waa siyaasiinta, marka waxaan rabnaa in walaalahaeen Soomaliland ay ciidamadooda ku celiyaan meelihii ay ka soo baxeen markii hore,” ayuu yiri Faroole.
Dhinaca kale Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa fariin u diray dhinacyada Siyaasiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu si kaftan u yiri kalmad si aad ah kaga qoslisay dadki iyo madaxdii ka qaybashay xafladda caleema-saarka Madaxwaynaa cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
“Siyaasiinta yaryar qaylada badan joojiya rag waaweyn baa jooga,” ayuu yiri Mr.Faroole
Hadalsame Media