DAAWO: MW Farmaajo oo haatan kulan la leh musharraxiintii laga guulaystey & qodobbada ay galabta ka wada hadli doonaan DF & Maamul-goboleedyadu

0

(Garoowe) 27 Jan 2019 – Madaxwaynah Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan shir kula jira musharrixiintii looga guulaystey doorashadii maxalliga ahayd ee Puntland ee qabsoontay 8-dii bishan Jannaayo.

Ragga uu Madaxwaynuhu haatan kulanka la leeyahay ayaa waxaa laga xusay Asad, Awaare, Faarax Cali Shire, Jebiye, Juxaa, kuwaasoo uu mid mid ayuu u qaabilayo.

Dhanka kale, waxaa galabta mar kale lagu wadaa inay kulmaan Madaxwaynaha Somalia oo metelaya dowladda dhexe iyo madaxda maamul-goboleedyada, kuwaasoo saaka kulan hordhac ah yeeshay.

Qodobbada la isla soo qaadi doono ayaa waxaa ugu horreeya in khariidad loo jeexo qaabka loo sii wadi karo wada hadalladan oo si togan ku bilowday, iyadoo la isla go’aamin doono goorta iyo goobta la qaban doono kulan rasmi ah oo dhinacyada dhex mara.

Waxyaabaha si hordhac ah la isula eegi doono waxaa ka mid ah xallinta khilaafka jira, in si hufan loo wada shaqeeyo, mashaariicda gobollada, dhismaha ciidamada dhexe iyo wax kasta oo ka dhexeeya DF iy maamullada gobollada.

Wixii kasoo kordha kala soco Hadalsame Media….

Hadalsame Media