Gabar wax baratay oo ”KAALMO” nooc cusub ah waydiisatey shacabka Soomaaliyeed (Fadlan akhri)

0

(Muqdisho) 27 Jan 2019 – Gabar magaceeda ku sheegtay Fartuun Cali Mire Xasan oo ku nool magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale ku dhalatay, ayaa dalbanaysa in shaqo lagu siiyo wixii ay baratay.

Fartuun ayaa baratay Public Administaration waxayna ka baxday Jaamacadda Jobkey dufcaddii 2017, iyadoo wax ku baratay si adag oo aan lahayn taageero iyo garab istaag ku filan.

Gabadhan ayaa iminka ka niyad jabsan nolosha, maadama aysan helin shaqadii ay ku riyoonaysay ama aaminsanayd inay heleeyso haddii ay qalin jebiso.

Gabadhan ayaa sheegtay in shaqooyinka lagu helo qaab weji garad, nin tooxsi iyo qabyaalad ah, sidaa darteedna ay ku adag tahay inay shaqo hesho.

Hadaba, Fartuun Cali Mire ayaa danayneysa in garab lagu siiyo helitaanka shaqo ay ku faraxdo, ha ahaato mid shirkad, mid Hay’ad madax bannaan, ama mid dowladeedba, si ay waalidkeed iyo nafteedaba u anfacdo oo ay wax ugu qabato maadama waqti la soo geliyay.

FG: Hadaadan waxba u awoodin u sii faafi farriintan si adba maalinkaada kaalmo u hesho aduun iyo aakhiraba.

Kala xiriir Email: fartuunali95@gmail.com

Hadalsame Media