(Muqdisho) 27 Jan 2019 – War cusub ayaa kasoo baxaya ninka la yiraahdo Antony Thomas, oo ah nin u dhashey dalka Britain, kaasoo loogan shakiyey fal argagixiso iyo khalkhalin dhanka amaanka ah.
Ninkan oo maalmo kahor lagu qabtey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa xabsigii lagu xirey oo ah kan dhexe ee Muqdisho lagu weeraray.
Sida aannu wararka ku heleeyno, ninkan ayaa waxaa gudaha xabsiga ku weeraray rag sakiin ku hubaysan oo ah 2 oo laftoodu u xiran falal argagixiso.
Maxbuuska Thomas ayaa la sheegay inay weerarkaa dhaawacyo fududi kasoo gaareen, waxaana la baarayaa xaaladdan soo korortay.
Lama oga sababta ay nimankani ninka u beegsanayaan, waxa ka dhexeeya, in ay kiiskiisa daba socdaan oo uu xog ka hayo dhankooda iyo cidda u sahashey inay sakiimaha helaan intaba.
Waxaa kale oo dhici karta, in DF lafteeda lagu xumeeynayo si loo muujiyo inuusan sugnayn amaanka Xabsiga Dhexe oo aysan qof hayn karin.
Nimanka labada ah ee ninka weeraray ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish oo ku sugan meelo ay Somalia ka mid tahay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa beri dhowayd amartay in ninkan xabsiga lagu sii hayo, iyadoo aan ilaa iminka wax war ah oo dembi kasoo kordhin kiiskiisa, iyadoo aan inta badan dib wax la iskaga waydiinin halka ay ku dambeeyaan dacwooyin badan oo muhim ah.
Hadalsame Media