(Garoowe) 27 Jan 2019 – Wararka haatan naga soo magaalada magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay iminka Madaxtooyada Garoowe ku shirayaan Madaxweynaha DF Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul-goboleedyada.
Kulankan oo la sheegay inuusan markii hore sii qorshaysnayn ayaa ka bilaabmay madashii quraacda oo ay wada joogeen madaxda DF Somalia iyo kuwa maamullada, halka ay warar kale sheegayaan in loosii ballamay.
“Waxaan ballan qaadayaa inaan dhameeyo khilaafka dhexdeenna ah.” ayuu ballan qaaday Madaxwaynaha Somalia markii uu xalay ka khudbeeynayay munaasabaddii caleemo saarka madaxwaynaha Puntland.
Madaxwaynaha dalka ayaa ballan qaaday inuu bog cusub furayo isagoo leh: “Waxaan ballan qaadayaa inaan la shaqeeyo dowled goboleedyada.”
Tillaabadan ayaa la sheegay in ay taa daba socon karto oo la doonayo in lagu saaro ismari waaga micne la’aanta ah ee ku kala dhex jira dowladda dhexe iyo maamullada gobollada qaarkood.
Kulanka ayaa waxaa xaadir ku ah Madaxweynayaasha Puntand, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hirshabeelle, iyadoo la filayo marka uu kulanka soo dhamaado in laga soo saaro war murtiyeed.
Bishii September ee sanadkii tegey ayay ahayd markii ay maamulladu sheegeen iany hakiyeen wada shaqeyntii DF Somalia, waloow ay isbedello badani dheceen oo 3 ka mid ah madaxdii berigaasi ay booska ka bexeen.
Dad badan ayaa arrintan soo dhoweeyay, gaar ahaan maadaama ay kaligood garteen inay wada fariistaan oo wada hadlaan, waloow aanu shirku rasmi ahayn.
Hadalsame Media