DAAWO: ”Haddii uu Trump derbi ka dhisan karo Mexico, aniguna waxaan xaq u leeyahay inaan Fiisaha u diido Yuhuudda!” – Mahathir Mohamed

0

(London) 27 Jan 2019 – Dr Mahathir Mohamad ayaa difaacey go’aankii ay Malaysia dalku galka ugu diiddey ciyaartooyada Yuhuudda ee ka qayb geli lahayd ciyaaraha Olombikada Naafada, isagoo soo daliishadey derbiga uu Trump doonayo inuu ka dhisto Mexican-ka.

“Dal kasta isagaa xaq u leh qofkii uu dalkiisa u diidayo ama u ogolaanayo. Hadda Ameerika waad aragtaan inay derbi wayn u dhisi rabaan si ay ugu celiyaan Mexican-ka,” ayuu ku dooday Mahathir oo ka hadlayay Vienna.

Malaysia ayaa beri dhowayd waxay diiddey inay dalkeeda soo galaan ciyaartooyda Yuhuudda ee ka qayb qaadan lahaa ciyaaraha Olombikada Cuuryaanka oo isreebreeb u ahaan lahaa kuwa lagu qabanayo Tokyo ee 2020 Paralympics.

Mahathir ayaa iska diidey Yuhuud nacayb lagu eedeeyay, balse wuxuu dood ka keenay sababta aan runta loogu sheegi karin Israel oo uu ku tilmaamay dal mujrim ah oo ceebaysan.

“Waa xaqayga inaan u sheego inay waxyaabo badan oo khaldan samaynayeen. Maxay tahay sababta aan waxba loogu sheegayn Israel, ama Yuhuudda?” ayuu is waydiiyay.

Mahathir oo 93-jir ah, ayaa soo jeediyay in haddii ay Israel doonayso inay ciyaaro u tartanto ay meel kale aadaan, isagoo sheegay in aysan xiriir la lahayn Yuhuudda sidaa darteed aysan u iman karin.

Malaysia ayaa sidaa u yeelaysa taageero ay u muujinayso shacabka reer Falastiin oo ay muddo badan dulmi ku hayso Israel oo ay dul saareen dalalka Galbeedku.

Hadalsame Media