(Muqdisho) 27 Jan 2019 – Sideedaba Ogow Suntu ma ahan wax u fiican dadka iyo duunyada waana halis Tiiyoo ay jiraan dad Sun ah oo ay adagtahay in lala macaamilo iyo in lala noolaado. Soomaaliya kuma sii jirtoo, dadka nucaan ah waa nagu badan yihiin!
Qoraalkan waxaan kaga hadlayaa sida aad dadkaasi ku ogaan karto, uga hortagi kartid, ulana macaamili karto markii aad la kulanto ama aad aragto. Marka hore Waxaad u qalantaa inaad hesho dad noloshaada kaalin fiican ka gaysta, kuwaas oo aad ku raaxeysto la jirkooda, kuna taageera, ku saacida, oo aad jeceshahay inaad mar walba qalbiga u furto.
Inta aana ka hadlin nuucyada dadka Sunta ah waxaan marka hore, ka hadlayaa sadex nuuc oo ay u kala baxaan Saaxiibadu.
- Saaxiibka Taariikhda (Friend by History): Waa qof aad wax badan taqaanay. Laga yaabee inaad soo wada dhigateen Iskuulka Hoose, ama Deris aad ahaan jirteen oo aad hal meel ku soo wada korteen.
- Saaxiibka kuu dhow (Friend by Proximity): Waxaa uu noqon karaa qofka saaxiibka la ah, adiga saaxiibkaa. Yacni, waa adiga Saaxiibkaa, Saaxiibkiis. Haddii si kale loo dhigo waxaa uu noqon karaa qofka saaxiibka la ah walaalkaa ama walaashaa.
- Saaxiibka Xaaladda ( Friend by context): Waa qofka aad mar walba ku aragto meel gaar ah, Hotel ha noqoto, maqaayad ha noqoto. Haddii si kale loo dhigo waxaa uu noqon karaa saaxiibka aad meel ka wada shaqeysaan, ama isku koox aad tihiin dhanka ciyaarista kubbada cagta.
7-da nuuc ee dadka Sunta ah!
#1: Is-cajabin; Islaweynaan (Narcissism): Dadka leh sifada nuucaan ah waxay mar walba isku dayaan inay hadalka kuu diidaan oo aysan kuu ogolaan inaad hadasho. Waxay qabaan waxa la yiraahdo ANAANIYAD ama inay iyagu iska hadlaan, adna aad dhagaysto oo kaliya. Wax suaal ah kuma waydiinayaan, iskaba daa inay jawaabtaada sugaane. Ma aamusayaan. Dadka nuucaan ah noloshaada halis ayay ku yihiin maadama ay iyaga kaliya tooda fiirsadaan oo ay xoogga saaraan dantooda kaliya islamarkaana aysan tixgalin u ahaynin baahiyahaaga.
#2: Qabweyne ( The Straight Jacket): Kani waa qofka doonaya ama rabo inuu isaga oo kaliya xukumo wax walba iyo qof walba oo ka ag-dhow. Waxaa uu doonayaa inuu ogaado waxaad qabanayso, waxaad ku hadleyso iyo xitaa waxay kula tahay. Haddii aad khilaafto, isagaa isla saxan, waana inaad sameysaa wixii uu kuu sheego. Marka laga hadlayo xiriirka, qofka nuucaas ah, kuma sii doono qol aad ku neefsato, neefta ayuu kugu celinayaa oo waa ku dhibayaa illaa marka ugu dambeysa aad is-dhiibtid oo aad la safatid isaga. Iska illaali in dadka nuucaas ah maamulaan shucuurtaada , dareenkaaga, hadalkaaga iyo xoriyada maskaxdaada. Isaga tag markaad awoodo!
#3: Xaasid: ( Emotional Moocher): Qofka nuucaan ah waa mid mar walba u taagan in uu dadka ku dul noolaado isagoona habayaraatee aan kuu qirsanayn ama kuu ogoleyn inaad guul gaarto. Qofka nuucaas ah ama dadka nuucaan ah waa kuwa mar walba sheeganaya dhibaato, murugo, diidmo (Negative) iyo, Quus. Marka laga hadlayo wada sheekeysiga iyo xiriirka, dadka nuucaan ah ma arki karaan wax wanaagsan (positive) waxayna doonayaan in qof walba ay hoos u dhigaan. Ka fogow dadka nuucaas ah iskana illaali oo aad uga taxadar.
#4: Waxma Tare (Drama Magnet): Qaar ka mid ah dadka Sunta ah waa kuwa sida bir labta oo kale ama Magnadka waxayna ku dhagaan Riwaayad been ah. Had iyo Jeer waxbaa ka qaldan. Xitaa haddii aad dhibkaas ka xaliso, waxaa soo baxaya dhib kale. Kaliya waxay rabaa inaad caawiso iyaga islamarkaana aad taageerto, laakin ma rabaan talladaada. Waad caawinaysaa, waxaadna u keenaysaa xal, laakin uma muuqdaan iyagu in habayaraatee ay wax haggaajinayaan. Laakin mar walba cabaad iyo cabasho ayay ku jiraan. Xiriirka, dadka nuucaas ah, waa dhibanayaal waxayna fursad, baraare iyo ahmiyad ay ku nastaan u arkaan Shidada ama dhibaatada. Haddii aad dooneysid inaad dadka nuucaas isbedel ku sameysid, haddaba iska illaali oo aad u taxadar, waxaa macquul ah inaad iyaga ka mid noqotid.
#5: Ruufiyaan (A JJ or jealous-judgmental person): Qofka nuucaan ah waa mid xaasidnimadu ku badan tahay oo qaba cudurka la yiraahdo Maseyrka ama Hinaaska. Waa mid ka mid ah dadka Sunta ah kuwa ugu qatarta badan, maxaayeelay Naceybkoodu waa mid gudaha qalbiyadooda ka imaanaya. Kuma faraxsana in cid kale ay agtooda timaado. Nuuc ahaana, waa dadka xanta iyo dhaliisha badan dadkana ku xukmiya ama dusha ka saara waxaysan ahayn. Sida ay iyaga la tahay, cid walba oo aan iyaga ahayn waa kuwa liita oo aan wanaagsayn, ama si uun u nasiib darran. Hadaad aragto qof dadka kale xantooda kugu hurgufaya oo kuu sheegaya, fadlan iska illaali. Waxaa laga yaabaa inuu yahay qof Sun ah, mana hubtid waxay kaa sheegi doonaan markaad ka tagto ama ay kaa tagaan.
#6: Kadaa’ib; Beenloow (The Fibber): Dad badan ayaa run ahaantii been sheega. Beenalayaasha, kuwa wax buunbuuniya ayaa ka mid ah, waana halis weyn in uu noloshaada qeyb ka noqdo qof Sumeysan oo qiyaanoole ah. Ha kuu sheego Been weyn ama mid Yar, macquul ma ahan in la aamino Beenlow. Haddii aad aragto kuwa badan oo wax aysan hubin afuufaya oo buun buuninaya iska Iska illaali Beenalayaasha kahor inta aysan beentooda ku laq-siin.
#7: Kaare (A Tank): Kaaraha waxaa uu cagta mariyaa wax walba oo jidkiisa kaga soo hor baxa. Qofka Bini’aadamka Kaaraha ah waa midka mar walba isla saxan, ee aan qaadan qof kale dareenkiisa, afkaartiisa iyo fikradihiisa. Wax walba isagaa ugu horeeya. Waa kuwa aan waxba laga dhaadhicin Karin, garma qaatayaal ah, oo aad u qalafsan, arrinkooduna waa xoog iyo Muruq, wax kale oo ay yaqaanan ma lahan. Waxay aamisan yihiin inay yihiin kuwa ugu xariifsan uguna fiican. Qof walba waxay ka qabaan cuqdad waxayna aamisan yihiin inuu iyaga dhib ku yahay, waana inay ka guuleystaan. Mararka qaar kood waxay dadka kale u arkaan inay yihiin kuwa siman, taasina waxay noqon kartaa dhibaato marka la isku dayayo in la sameeyo isku xir iyo is jeceyl. Haddii aad dareentid in fikigradahaaga la iska tuuray oo aan waxba laga soo qaadin, ama aan ugu yaraan lagu ixtiraamin, fadlan isaga tag intaad awoodo!
Gunaanad: Waxaad u qalantaa inaad hesho, la saaxiibtid, jeclaatid dad wanaagsan inta aad nooshahay. Dhab ahaantii Nolosha aduunka waa ay gaaban tahay, sidaas awgeed waa qasaaro iyo dhibaato inaad waqtigaada la qaadato dad aan kugu taageereynin inaad guuleysato. Waxaanse filayaa inaad Maqaalkaan u isticmaali doonto RASAAS aad uga hortagto dadka Sunta ah (Toxic People)
W/Q: Mohamed Odowa
Hadalsame Media