(Garoowe) 26 Jan 2019 – Waxaa magaalada Garoowe haatan laga dhowraya MW Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kasoo socda dhanka caasimadda Muqdisho.
Waxaa haatan garoonka wayn ee magaalada Garoowe dhooban shacab iyo madax halkaa ku sugaya Madaxwaynaha dalka si ay usoo dhoweeyaan.
Madaxwaynaha ayaa Garoowe u imanaya xafladda caleemo saarka ah ee madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland Md Deni.
Waxaa beryihii dhowaa magaaladaasi ku qulqulayay wufuud kala duwan oo Soomaaliyeed oo iskugu jira madax hore, mucaaradka dowladda iyo madax ka tirsan dowladda dhexe iyo gobollada.
Halkan hoose toos uga daawo
Muuqaalka: Radio Daljir
Hadalsame Media